Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ah oo saaka lagu qaaday Bar Koontarool oo ciidamada dowladda oo ku taalla duleedka caasimadda Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka hore lagu beegsaday xerada Roob da’ay ee NISA ee xaafadda Macaani, degmada Garasbaalley, waxaana qaraxa is-miidaaminta ah ay ku dhinteen Askari wadatay Gaari Cabdi Bille ah oo Qori culus saaran yahay, kuwaas oo ka hortegay Gaariga.
Gaariga is-miidaaminta ah ayaa is qarxiyay, iyadoo ay rasaas ku socotay, waxaana qasaaraha dhimashada la xaqiijiyay inay tahay ilaa 4 askari oo uu ka mid yahay taliyihii barta Roob da’ay, balse waxaa laga badbaadiyay xaruntii ciidamada NISA oo gaariga is-miidaaminta ah uu doonayay inuu gudaha u galo.
Waxaa kaloo qaraxa koowaad ee is-miidaaminta ahaa uu waxyeelo gaarsiiyay 15 qof oo isugu jira askar iyo dad la socday gaadiid ay ka mid yihiin Mooto Bajaajyo iyo Gaari Caasi BL ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen.
Qaraxa labaad oo la sheegay inuu Miino la kacday ciidamada dowladda oo marayay degaanka Kaxda, mana jiro faahfaahin laga helay qaraxa danbe.
Alshabaab ayaa sheegtay weerarka Is-miidamainta ah ee ka dhacay saldhigga Roob Da’ay ee degmada Garasbaalley oo ah xarun ah leeyihiin ciidamada Hay’adda NISA, waxayna sheegeen inay ku dileen 28 askar iyo saraakiil, kuna dhaawaceen 51 kale.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan qaraxyada ka dhacay Muqdisho