Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Sayidka, degmada Howlwadaag ee caasimadda.
Qof isku soo xiray waxyaaaha qarxa ayaa gudaha u galay Goob maqaayad, oo ku taalla kaamka Darwiish, una dhow halkii loo yiqiin baar Bulsho, isagoo isku dhex qarxiyay dadkii ku sugnaa, waxaana halkaas ka dhacay qasaare xoog leh.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii Maqaayada ku sugnaa, waxaana goobta xiray ciidamada amniga, iyadoo uu hadda socdo gurmadka dadkii waxyeelada soo gaartay.
Ku dhowaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxa is-miidaaminta, waxaana ka mida askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana ku dhaawacamay dad u badan shacabka goobta ka dhowaa.
Booliska ayaa sheegay in 5 qof ay ku dhinteen qaraxa, lix kalena ku dhaawacmeen, haddana la baarayo sida qaraxu u dhacay iyo waxyaabaha loo adeegsaday.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ahaa is-miidaamin, ayna la beegsadeen goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Dowladda Soomaaliya.