Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya Qarax uu fuliyay qof naftii halige ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo galabta ka dhacay Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Goob maqaayad ah oo ku taalla Barxadda Dugsiga Booliska ee Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Goobta Qaraxa is-miidaaminta ka dhacay oo ahayd meel ay fariistaan Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 qof oo uu ku jiro Abwaan caan ahaa.
AUN Abwaan Sugaale Cabdulle Cumar ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday Qarixii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay barxadda Dugsiga Booliska, waxaana sidoo kale ku dhintay askar iyo shacab.
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa War uu soo saaray ku sheegay in in Nin ka tirsanaa Khawaarijta uu qarax ka geystay goob dadka ku harsadaan oo ka soo horjeeda barxada Iskool Buluusiya, degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho. Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 7 qof oo askar iyo shacab isugu jira ay ku geeriyootay qaraxaas, halka 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.