Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu qarax is-miidaamin ah ka dhacay Hotel u dhow xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaaladaasi.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday Hotelka City oo u dhowo xarunta madaxtooyada Hirshabeelle, iyadoo uu isa qarxiyey markii la joojiyey, waxaana qaraxa ka dhashay qasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Qofka is miidaaniyey ayaa ku dhintay qaraxa, waaxana sidoo kale u dhaawacmay 2 askari iyo qof shacab ah, askarta ayaa ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Jowhar.
Taliyaha Saldhiga degmada Jowhar ayaa sheegay ninka is-miidamiyaha ahaa uu doonayey inuu isku qarxiyo Hotelka City ee bartamaha magaalada oo dad shacab ah ay isugu tageen, ayna ka hortageen ciidamada amniga, sidaasina uu isku qarxiyay.
Magaalada Jowhar ayaa maalmihii danbe waxa ka dhacayey qaraxyo is daba joog ah oo ay Alshabaab ka filisay magaalada oo hore ka mid ahayd kuwa ugu nabdoon.
