Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Maqaayad u dhow xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.
Qaraxa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa kaasoo isku dhex qarxiyay Maqaayadda Blue SKY ee u dhaxeeya Xabsiga NISA ee Godka Jilacow iyo Taalada Xaawo Taako oo ah Bar laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Ninka is-miidaamiyaha ahaa ayaa si toos ah u beegsaday dadkii ku usgnaa Maqaayadda, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo goobtaasi la xiray, lagana ilaabay gurmad degdega.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa ku dhintay agaasimihii TV-ga Somali Cable Weriye Cabdifataax Macalin Nuur (Qeys) oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Maqaayada Blue SKY markii qaraxa ka dhacay.