Weerar ku bilowday qarax loo adeegsaday Gaari is-miidaamin ah ayaa caawa lagu qaaday Bar u dhow Xarunta Xabsiga NISA ee Godka Jilacow iyo Taallada Daljirka Dahsoon, magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka Iskuulla Cismaan Yaasiin lagu qarxiyay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday dadweyne halkaasi ku daawanayey ciyaarta Fiinaalka Yurub.
Qaraxa koowaad kadib ayaa la soo weriyay inuu dhacay qarax kale, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay halkaasi ka dhaceen dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamada Amniga ay xireen aagga Daljirka Dahsoon oo ku dhow Madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
War kasoo baxay Taliska Booliska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay Gaari ay ka soo buuxiyeen Walxaha Qarxa ku Baakimeen Goob Maqaayad ah oo lagu magacaabo (Top), iyadoo la xaqiijiyey ilaa hadda geerida 5 Qof iyo ilaa 20 qof oo Dhaawac fudud ah.