Wararka laga helayo magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari, Kenya, kaasoo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Mandheera, waxaana lala beegsaday Dukaan raashinka lagu iibiyo oo u dhow Saldhiga Booliska magaalada, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee qaraxa lagu sheegay inay ku dhinteen 3 qof oo laba ka mida ay yihiin saraakiil Boolis.
Qaraxa ayaa sidoo kale heystay dhaawaca dad ka badan 20 qof, iyadoo loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay Goobta u dhow Sadlhigga Booliska, iyadoo xiliiga qaraxa ay goobta ku sugnaayeen Dad badan oo cunto u fadhiyay.
Qofka shacabka ah ee ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inay tahay haweeneydii lahayd Maqaayadda oo lagu magcaabo Mama Samaki. Qaraxa ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeyso Alshabaab.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goobo ku dhow xadka Kenya, iyagoo adeegsanaya weerarroi toos ah iyo walxaha qarxa.