Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxay ayaa ku qarxay Xerada Dhul Bixinta ee kasoo horjeeda Warshadii Ifka Xalan, degmada Wardhiigley, caasimadda Muqdisho.
Gaariga qarxa siday ayaa la sheegay in ciidamada Amniga ay ka shakiyeen, waxaana lagu furay rasaas, iyadoo la toogtay darawalkii gaariga is-miidaamiinta waday. wuxuuna gaariga ku dhacay Darbiga dhismaaha waaxdii Dhul Biixinta, halkaasoo uu qarax weyn ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay sarkaal ka tirsan Dowladda hoose oo lagu magacaabi jiray Xarbi Salaad Cumar, Waxaana dhaawac soo gaaray seddax askari oo boolis ah.
Qaraxan waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo loo adeegsado Gaari uu wado is-miidaamiye, kana dhaca magaalada Muqdisho muddo bilooyin ah.
Hay’adaha Amniga dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay caasimadda.