Qarax qasaare geystay ayaa caawa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamada Amniga ee Booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay Amniga Caasimadda.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxu qabsaday Gaari ay la socden ciidamada iyadoo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen Qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.
Askarta la qarxiyay ayaa gurmad degdega loo sameeyay, axaan goobta qaraxa gaaray mas’uuliyiin kala duwan, waxaan askarta dhaawaca loo qaaday isbitaallada Muqdisho.
Waa qasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta Caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya.