Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay Bar ciidan oo ku taalla agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.
Qof is-miidaamiye ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday ciidamo ilaalo ka hayay isgoyska Ceelgaabta, halkaasoo uu isku qarxiyey, waxaana goobta ka dhacay qasaare kala dywan.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Ciidamada Dowadda oo xiray wadadda tagta Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Booliska oo ay ka socoto Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee xildhibananada kasoo jeeda Somaliland.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa dhaliyey qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta gaaray gaadiidka Gurmadka degdegga.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
