Saturday, March 15, 2025

Qaramada Midoobay oo warbixin naxdin leh ka soo saartay xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA ayaa warbixin naxdin leh ka soo saaray magaalada xiisada colaaded ka taagan tahay ee Gaalkacyo.

UN OCHA warbixinteeeda ku sheegtay in 50,000 kun  oo qof ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo tan iyo markii toddobaadkii ay hore ay bilowdeen dagaalada u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay ku dhinteen 11 ruux.

barakacOCHA ayaa sidoo kale walaac weyn ka muujisay xaalada noleed ee ay kunool yihiin dadkii ka barakacay Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in dadka barakacay ay u badan yihiin dadkii markii horeba barakaca ahaa ee magaalada maciinsaday.

Ad

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada UN OCHA wuxuu Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii loo soo celin lahaa dadka ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Dhibaato dhinaca nolosha ah, ay la soo deristay dadkii ku barakacay dagaalada toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.

- Advertisement -

Halka Maamulka Galmudugna  ay sheegeen  in ay la dagaalamayaan Kooxda Daacish iyo ciidanka Puntland oo isku dhinac ah.

Dadkii ka barakacay Gaalkacyo ayaa ku sugan deegaano ku dhow Magaalada oo ay ka mid yihiin deegaanada Xaar iyo sidoo kale Saddex higlo , waxaana la sheegaya in halkaasi ay ku haystaan dhibaato dhanka nolasha ah , madaam deegaanada ay joogaan ay biyuhu cariiri ku yihiin.

Beesha Caalamka ayaa dhowaan soo saartay baaq ay degdeg uga dalbaday madaxda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland inay colaada Gaalkacyo ku soo afjaraan.barakac

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON