Monday, February 17, 2025

Qaramada Midoobay oo Digniin culus kasoo saartay Macaluul ka dilaacda Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay baaqii ugu weynaa ee ku saabsan xaaladda abaarta ka taagan Soomaaliya, iyadoo ka digtay in Soomaaliya qarka u saaran tahay macaluul dhammaadka sanadkan, haddii aanay dunidu tallaabo qaadin.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada, ahna Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah Martin Griffiths oo Soomaaliya booqday markii ugu horeysay ayaa dunida la wadaagay farriin qeylo dhaan ah, isagoo sheegay inuu aad uga naxay heerka uu gaarsiisan yahay saameynta abaarta Soomaaliya.

“Macaluul ayaa albaabka ka taagan, maantana waxaa na soo gaaray digniintii ugu dambeysay” ayuu warbixinitiisa ku biaabay Martin Griffiths, isagoo sheegay inuu Baydhaba ku arkay caruur aan awoodin iney ooyaan iyo hooyooyin ay nafaqa-darro ka dhigtay caruur.

Ad

Warbixinta ayaa muujineysa ifafaalo cad inay macluul ka dhici doonto labo deegaan oo ka tirsan gobolka Baay (Degmada Baydhabo iyo Buurhakaba) ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya inta u dhaxeysa bilaha October iyo December ee sanadkan.

“Waxaan ku celinayaa: Tani waa digniintii ugu dambeysay, Xaaladda waxay la mid tahay sidii dhacday sanadihii 2010-2011. Hadda dadku wa

y ka sii liitaan. Fashilka aan horay loo arag ee afar xilli roobaad oo xiriir ah, tobanaan sano oo colaado ah, barakac baahsan, arrimo dhaqaale oo aad u daran ayaa dad badan ku riixaya inay qarka u saaran yihiin macaluul” ayaa lagu yiri warbixinta Q/Midoobay.

- Advertisement -

“Carruurta aan ku arkay isbitaalka Banaadir midna ma dhoola caddeyn karin. In yar ayaa ooyi karta. Sida aan ogaanay markii aan baxnay, waxaan nasiib u helnay inaan maqalno ilmo ooyaya, waxaana naloo sheegay in ilmuhu marka uu ooyo, ay jirto fursad uu ku noolaado. Carruurta aan ooyina waa kuwa aan u baahanahay in aan ka werwerno” ayuu yiri Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON