Saturday, May 17, 2025

Qaramada Midoobay oo Baaq u diray dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho ku boorisay inay joojiyaan dagaalka oo ay is xakameeyaan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn”

Waxaa kaloo warka kasoo baxay Qaramada Midoobay lagu sheegay in Rabshadaha aan lagu xalin karin is-mari waaga siyaasadeed ee hadda ka jira dalka.

Ad

“Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah” ayaa lagu soo gabgabeeyay Baaqa kasoo baxay Q/Midoobay.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo magaalada Muqdisho ay shalay iyo xalay ka dhaceen iska hor imaadyo iyo dagaallo u dhaxeeya ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha xilka kororsaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ciidamo ka horjeeda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON