Friday, March 28, 2025

Qalbi-dhagax: “Xarigeyga waxaa ka danbeeyay maamulka Farmaajo & Hay’adii Sanbaloolshe…” [Dhageyso Wareysi kulul]

C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa ka hadlay qaabkii loo sii daayey, ciddii ka danbeysay xiritaankiisa iyo in Itoobiya loo gacan  geliyo iyo qorshaha mustaqbalka uu doonayo inuu ku dhaqaaqo.

Isagoo wareysigii ugu horeeyay bixiyay ayuu caddeeyay in sii deyntiisa ay ka timid Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo isbedello ka wada dalkiisa, isla markaana ay is arkeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa.

Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabadsugidda Soomaalida ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay xilliga la soo qabanayey C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyo, iyadoo madaxda sare ee dowladda uu filayo inay la socdeen arrintaasi.

Ad

“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen, … Mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen…” ayuu yiri Qalbi dhagax oo wareysi siiyey Ramad TV.

HOOS KA DAARO OO DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON