Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale shaacisay in Hay’adaha amniga ay qabteen Saanad iyo Qalab la tuhunsan yahay in loo loo waday Alshabaab oo ku jiray Konteenar saarnaa Markab kusoo xirtay Dekadda Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Boliiiska ayaa kasoo muuqday Bandhiga Agabkan oo lagu qabtay Dekadda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.
Konteenarka iyo Alaabta ku jirtay ee lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mida Dhar Milateri, Saanad ciidan oo ay ka mid yihiin: Qalabka Telefoonada Thuraya, Qalabka Shiishka, Isgaarsiinta Gacanta, Qalabka Remote Control-ka, Koofiyadaha milateriga iyo qalabka isgaarsiinta lagu howlgalo iyo agab kale oo la sheegay inuu ku socday Al-Shabaab.
Wasiiru dowlada Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay.
Dhinaca kale Sirdoonka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Alaabo u badan qalabka isgaarsiinta oo u socday sida la sheegay Caddowga, kuwaas oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Hay’adda dowladda sooma bandhigin cidda qalabkaasi kasoo dejisay Garoonka iyo Dekadda, caddeymaha loo hayo in Alshabaab lahaayeen iyo dadkii lagu qabtay midna.