Waxaa magaalada Marko ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka socota qabanqaabadii ugu danbeysay ee soo dhaweyntao Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta tegaya magaaladaasi.
Maamulka Gobolka Sh/hoose iyo magaalada marko ayaa abaabulay Dadweynaha magaalada oo isugu soo baxaybartamaha magaalada Marko, iyagoo isugu tegay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waxaana Ra’iisal wasaaraha socdaalkiisa ku wehliya madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo xubno kale.
Ciidamado badan ayaa la geeyay magaalada Marko, kuwaasoo si weyn u xoojiyey amniga magaalada oo Alshabaab ay habeen hore weerar ku qaadeen koontarool laga ilaaliyo. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Baydhaba.