Saturday, April 19, 2025

Qabanqaabada Aaska Marxuum C/raxmaan Xoosh oo socota & Dib ku yimid in la keeno Muqdisho..

Wasiirkii Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib u dhac ku yimid qorshe dalka lagu keeni lahaa maanta, iyadoo ay socoto qabanqaabada Aaskiisa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradd Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo ka mida Guddiga qabanqaabada Aaska Marxuum C/raxmaan Xoosh ee xukuumadda Soomaaliya magacawday ayaa sheegay in maalinta Berri ah dalka la keeni doono Meydka Marxuum Xoosh.

Ad

Wuxuu intaas ku daray in maanta uu dib u dhac ku yimid keenista Meydka arrimo farsamo dartood, iyadoo maalinta berri ah la keenayo, loona sameyn doono Aas Qaran oo ay ka qeybgeli doonaan Madaxda Qaranka iyo mas’uuliyiinta labada Gole.

Geerida Wasiirkii Dastuurka ayaa keentay inuu dib u dhac ku yimaado safar uu magaalada Kismaayo ku tegi lahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON