Wararka laga helayo dalka Imaaradka Caraba ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka mida wafdigii ku Madaxweynaha Soomaaliya lagu karaantiilay dalka Imaaraadka Carabta, markii ay halkaasi gareen.
Sida laga soo xigtay qaar ka mida wafdiga Madaxweynaha qaar ka mid ah wefdigii la socday Xasan Sheekh ayaa laga helay cudurka Covid-19, taasoo keentay in la karaantiilo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu caafimaad qabo, balse markii laga xubnaha wafdigiisa laga helay Covid-19, ay dhacday in dib loo dhigo kulamadii uu la yeelan lahaa madaxda dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axaddii gaaray dalka Imaaraadka Carabta, waxaana booqashada horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin, taasoo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.
Madaxooyada Soomaaliya ayaa ku guuldarreystay inay dadka uga waranto xaaladda socdaalka Madaxweynaha iyo dib u dhaca ku yimid.