Qaar ka mida Shirkadihii galay tartanka Adeegga Xajka ee Sanadkan oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa wajahaya dacwad loo soo raacday iyo baaritaan.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo saaray goor dhoweyd qoraal uu ku sheegay inuu baaris ku hayo Shirkado lagu tuhmayo inay sameeyaan documententiyo been abuur ah si ay uga qeyb galaan Tartanka adeegga Xajka.
Shirkadahan oo aan la sheegin magacyadooda ayey xeer ilaalintu sheegtay in Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaris ku hayo Shirkaddo ku eedaysan been abuur dukumiinti, kuwaas oo dukumiintiyada Dowladda si been abuur ah u samaystay ayaga oo ujeedadoodu ahayd ka qaybgalka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka.
“Xafiisku waxa uu farayaa dhamaan hay’addaha ay khusayso in ay si deg deg ah usoo gudbiyaan dhamaan warbixinada khuseeya baaristaan, una fududeeyaan hay’adda baarista gudashada waajibaadka saaran”. ayaa lagu yiri qoraalka Xeer ilaalinta.
“Xafiisku waxa uu halkaan digniin culus uga dirayaa dhamaan shirkaddaha iyo dadka isku dayaya been abuurka dukumiintiyada noocyadooda kala duwan, qofkasta oo lagu qabto asaga oo faraha kula jira faldenbiyeedkaas waxaa la horkeenayaa sharciga, saraakiisha kala duwan ee Dowladdana waxaa la farayaa in ay si degdeg ah Xafiiska ugu soo gudbiyaan markay arkaan ama u muuqato war- bixin danbiyeed la xiriirsan been abuurka”