Guddiga Gurmadka Qarixii Soope ayaa qaaday tallaabo uu ku saacidayo dadkii qoysaskooda ku saamoobeen qaraxa.
Qaar ka mida qoysas ay qaraxa uga geeriyoodeen dadkii biili jirey ayaa Guddigu ku wareejinnay Bajaajyo si ay nolol maalmeedkooda ugu kaashadaan ayna u noqoto il ay dhaqaale ka helaan.
Lacagta lagu iibiyey Mooto bajaajyada ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaana wakiil Ka ahaa Mohamed Hassan, iyadoo xafladda lagu wareejiyay mootooyinka ay ku sugnaayeen Guddiga Gurmadka iyo qoysaska la soo xulay.