Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku diray Hablo dhallinyaro caan ka ahaa baraha bulshada, gaar ahaan TikTok oo lagu soo eedeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafin anshax xumo.
Kiiskan oo muddo qaatay ayaa ugu dambeyntii maanta laga soo saaray xukun, iyadoo ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay 7 ka mida 9 Gabdhood oo eedeysanayaan min 6 bilood oo xabsi ah.
Laba Gabdhood oo caddeymo loo waayay dacwadda lagu soo oogay ayey Maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, waxaana maxkamadda la hor keenay 19 qof oo qeyb ka mida hore loo sii daayay.