Tuesday, September 10, 2024

Qaadkii imaan jiray Muqdisho oo khilaaf dartii loogu wareejiyay Magaalada Jowhar

Inta badan ganacsatada Qaadka keenta magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid canshuur ay ku kordhisay Wasaaradda Maaliyadda.

Ganacsatada  ayaa joojisay maanta Qaadkii uga soo degi jiray Garoonka Aadan Cadde, iyagoo taas bedelkeed u wareejiyay duulimaadyadii Diyaaradaha Qaadka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ka danbeysay khilaaf ku saabsan canshuur ay kordhisay Wasaaradda Maaliyadda oo ay ku gacan seyreen Ganacsatada Qaadka ka keena dalka Kenya.

Ad

Garoonka magaalada Jowhar ayay hore u tijaabiyeen ganacstada Qaadka, waxaana la filayaa inay marka uu halkaasi ka dego kadib gaadiid lagu soo geliyo magaalada Muqdisho, inkastoo koontaroolada laga soo galo magaalada ay fadhiyaan ciidamad dowladda.

Isku dhaca ganacsatada iyo ganacsatada Qaadka ayaa muddo dheer joogto ahaa, waxaana hadda xaaladda soo cusbooneysiiyay markii wasaaradda maaliyadda ay ku dhaqaaqay tallaabooyin dheeraad ah.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON