Guddiga Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la yimid qaab cusub oo ana hore loo arag oo loo dooranayo labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka.
Qaabkan ayaa ah in hal mar loo wada codeeyo labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka oo lagu kala codeeyo laba sanduuq oo mid waliba codkiisa lagu ridayo.
Qaabkan oo loogu talogalay in waqtiga looga faa’iideysto laguna yareeyay saacadaha badan ee ay qaadan jirtay ayaa dhinaca kale laga yaabaa inuu khaladaad ka dhaco iyadoo xildhibaanada qaarkood aysan u baran ama aysan faham fiican ka heysan.
Waxaa dhici karta in waraaqaha la is weydaariyo ama natiijooyinka isku dhex milmaan, waxaana Guddiga Doorashada uu sheegay in natiijada hal mar lagu dhawaaqi doono.
Labada kursi ee guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ay wadajir ahaan ugu loolamayaan 16 musharax ayaa sidoo kale waxay meesha ka  saareysaa in marka kursiga hore la doorto kadib ay saameyn ku yeelato kursiga labaad.
Goobjooge.com