Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa shaacisay tirda dadka laga soo barakciyey magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo nawaaxigeeda inay gaaray 7,250 qof oo isugu jira haween, Caruur waayeel iyo dhalinyaro.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ee OCHA ayaa war qoraal ah oo uu saaray maanta ku sheegay in 24 qoys oo cusub laga dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.Â
Dhinaca kale xafiiskaasi UN OCHA ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag dadkii ugu horeeyay ka baxeen, iyadoo ay kasoo barakaceen 75 qof oo soo gaaray magaalada Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar.
Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2400 qof lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan. Dadkaas ayaa la filayaa in maalmaya soo socda ay kasoo qaxaan halkaasi.
Raafka iyo barakicinta qasabka ah ee Maamulka Somaliland dadkaasi kula kacay ayuu walaac ka muujiyey xafiiskaasi. Waxayna Warbixinta UNOCHA faahfaahisay in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur; hantidoodiina ay kasoo tageen.