Wednesday, December 6, 2023

Q/Midoobay oo Dalbatay Baaritaan daahfuran oo lagu sameeyo xasuuqii Degaanka Gololleey

War kasoo baxay Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaliya ayaa lagu cambaareeyay falka lagu dilay 7 shaqaale caafimaad ah iyo qof rayid ah ee ka dhacay degaanka Gololleey ee degmada Balcad, Gobolka Sh/Hoose.

War saxaafadeed kasoo baxay ku-xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayuu ku sheegay inuu si weyn uga naxay, una cambaareynayo afduubka iyo dilka tuulada Galolleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 7 dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa.

“Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xaadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii’aadanimada” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Adam Abdelmoula, wuxuuna sheegay inuu sugayo baaritaan daah furan oo lagu sameeyo falkan.

Ad

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howlwadeenadan caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta safmarka Coronavirus, wax ka qabashada Daadadka iyo saameynta Ayaxa.

Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON