Maamulka Puntland ayaa rikoor cusub u dhigtay doorashada xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, kadib markii maanta saacado gudahood magaalada Boosaaso ay kasoo baxeen 16 xildhibaan.
Magaalada Boosaaso oo ah degaan doorashada labaad ee Puntland ayaa gelin hore kusoo saartay dhammaan xildhibaannadii kuraastoodu taallay ee 16-ka ahaa, waxaana kusoo baxay xubno uu watay ama uu ansixiyey Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANNADA BOOSAASO EE MAANTA SOO BAXAY:
1- Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa ku soo baxay kursiga HOP157
2- Cabdicasiis Maxamed Qambi ayaa ku soo baxay kursiga HOP227. wuxuu ahaa Wasiir Ku Xigeenka Cadaaladda xukuumadda Federaalka.
3- Jen. Bashiir Cabdi Maxamed – Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed oo xilligan ahaah la-taliyaha madaxweyne Deni ayaa ku soo baxay kursiga HOP273.
4- Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ayaa kusoo baxday Kursiga HOP234. Waa haweeneyda kaliya ee maanta kusoo baxday Doorashada Boosaaso.
5- Muuse Axmed Ismaaciil [Siciid Daahir] ayaa ku soo baxay kursiga HOP076. Dib ayuu u soo laabtay.
6- Cali Mahdi Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga HOP169. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.
7- Maxamed Bashiir Cali [Baxnaan] ayaa kusoo baxay Kursiga HOP083 ee Golaha Shacabka.
8- Cali Xaaji Daahir Saleebaan ayaa kusoo baxya kursiga HOP220.
9- Faysal Axmed Maxamud ayaa kusoo baxay kursiga HOP149.
10- Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa kusoo baxay kursiga HOP158.
11- Siciid Cali Muuse ayaa kusoo baxay kursiga Kursiga HOP027. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid.
12- Maxamed Aadan Diini ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP036. Waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.
13- Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa kusoo baxay kursiga HOP222.
14- Cabdilaahi Faarax Mire ayaa kusoo baxay Kursiga HOP228.
15- Ismaaciil Shire Jaamac ayaa kusoo baxay HOP142. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Wasiiru dowlaha Maaliyadda xukuumadda Federaalka Maxamud Xayir Ibraahim.
16- Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa kusoo baxay Kursiga HOP190.
