Friday, March 28, 2025

Puntland oo si kulul u cambaareysay Lacag ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday Somaliland [Akhriso]

Puntland ayaa si weyn uga hor timid oo lacag gaareysa Hal milyan Doolar ah oo  Guddiga Gurmadka fatahaadda dowladda federalka Soomaaliya ugu deeqay maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagta lagu sheegay deeqda, isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi Hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.

Wasiirka ayaa xusay inay ahayd in lacagtaasi la mariyo Hay’ado samafal ee aan Maamulka Hargeysa la siin, wuxuuna intaas ku daray in Puntland aysan ka horjeedin in shacabka waqooyiga Soomaaliya loo gurmado, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado colaadda Somaliland kula jirto Puntland.

Ad

Wuxuu arrintan ku eedeeyay inay ka danbeeyaan Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed oo guddoomiye looga dhigay Guddiga Qaran ee Gurmadka  iyo wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON