Maamul Goboleedka Puntland ayaa qoraal qeylo-dhaan ah kasoo saaray Sharciga Batroolka Soomaaliya oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, balse weli sugaya saxiixa Madaxweynaha.
Qoraal ka soo xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka aanu waafaqsaneyn Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, siiba qodobka 44-aad ee ku saabsanin qeybsiga Khayraadka Dabiiciga uu noqdo mid ku dhisan wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.
Puntland ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inaysan qeyb ka noqon doonin dhaqan gelinta Sharcigaasi inta ay wadahadal isugu imaanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.
Puntland ayaa tan iyo sanadkii 2007 soo waday shidaal baaris mar gaartay inay iskeed qandaraasyo caalami ah ku bixiso, waxaana la xusuustaa inay isku dhaceen Ra’iisal wasaarihii dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Cali Maxamed Geedi iyo xukuumaddii Puntland ee Cadde Muuse.
Akhriso qoraalka

