Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Dil toogasho ahaa ku toogatay inta badan 18 qof oo lagu soo eedeeyay, laguna helay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
18-ka qof ee la toogtay oo intooda badan kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya waxay Maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay Dil toogasho ah, waxaana lagu helay inay falal argagixisnimo oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliyeen Degaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Puntland ayaa toogtay 18-kaan qof oo ay ku jiraan sarkaal sare, horjoogayaal, waxaana wareysiyo ay la yeesheen Laamaha Amniga Puntland ay ku qirteen inay fuliyeen weeraro fara badan.
Horjoogayaasha saaka la togtay waxaa ka mida: Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (Jeeri).
Isla saaka waxaa magaalada Garoowe lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.