Maamul goboleedka Puntland ayaa Telefishanka dowladda Federaalka ee SNTV ka joojisay shaqadii uu ka hayay degaanada Puntland kadib markii ay ku eedeysay inuu been abuur ka faafiyay qaxootiga kasoo qaxay dalka Yeman ee kasoo degay dekadda Boosaaso.

Kulan dhex maray wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha C/llaahi Xaashi Warsame (Qoob deero), afhayeenka Puntland iyo xubnaha xafiiska SNTV ee Boosaaso ayaa dood dheer oo arrintaasi laga yeeshay dib loogu ogolaaday xafiiska SNTV inuu shaqadiisa sii wato iyadoo la isku afgartay in wixii warar ah xafiisku ka xigto madaxda Puntland. Arrintan ayaa jirtay muddo dhowr saacadood ah waxayna keentay la yaab weyn iyo in ay soo fara geliyaan madaxda sare ee Puntland.
Hoos ka akhriso qoraalkii hore ee Puntland soo saartay
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]