Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hor timid, kana digtay dhaqan gelinta Sharciga Bartoolka iyo is-waafajin lagu sameeyay Xeerka Iibka Qaranka oo wadiiro ka mida Xukuumadda ay u ansixiyeen toddobaadkan Wasiirka Bartoolka. (Halkan ka Akhriso).
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa ku tilmaamay Sharciga Bartoolka ee ay meel mariyeen Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2020 inuusan ansax ahayn, iyadoo xukuumadda cusub uga digtay inay dhaqan geliso inta laga wadahadlayo.
Puntland ayaa ku doodeysa in Sharciga Batroolka uu khilaafsan yahay Dastuurka Federalka iyo heshiisyada qeybsiga Kheyraadka, isla markaana aysan qeyb ka noqon doonin, waxayna hore ugu diiday dowladii Farmaajo inay ku dhaqanto sharcigaasi (Halkan ka Akhriso)
Diidamada Puntland kala hor yimid inay dowladda Federaalka ku howl gasho sharci ay ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, kuna soo baxay faafin rasmi ah, ayaa ka dhigan inuu halkiisii ka bilowday khilaafaadkii soo jireenka ahaa ee Puntland iyo dowladda Federaalka,
Qodobadda ugu weyn ee Puntland ku doodeyso ayaa kala ah:
B) Ka faa’iidaysiga Khayraadka dabiicaga ah ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah ku dhaqanka Dastuurka DFS iyo Dastuurada Dowladaha xubnaha ka ah.
T) Baarlamaanka DFS waxay Hindise Sharciyeedka ansaxiyeen iyadoo aan laga tala galin dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Sidaas darted, wuxuu khilaafsan yahay habraacii uu ku ansixilahaa.
J) Dowladda Puntland waxay aad uga xuntahay in xukuumadda Dowladda Federaalku ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgalinta Hindise Sharciyeedka Batroolka ee khilaafsan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah ee Dowladda Federaalka ah.
X) Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Caalamka in ay arrimaha kheyraadka iyo Batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan Dasruurka KMG ah ee DFS.
KH) Dowladda Puntland waxay ka digeysaa xasilooni-darada amni iyo siyaasadeed ee uu keeni karo dhaqan-gelinta hindise sharciyeedkan.
D) Dowladda Puntland qeyb kama aha ku dhaqanka hindise sharciyeedkaan ilaa iyo inta wadahadal ku saabsan ay ka yeelanayaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda ha Xubnaha ka ah.
