Sunday, March 16, 2025

Puntland oo joojisay Madal uu ka hadli lahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Federaalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa joojisay Madal lagu casuumay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Federaalka Maxamed Xasan Cirro oo caawa ka dhici lahayd magaalada Garowe.

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu kala diray Madasha Daljir oo ahaa barmaamij Bille ah oo caawa uu marti ku ahaa Guddoomiye Cirro, waxaana tallaabadan sabab looga dhigay inuu Barnaamijka la socon karin siyaasadda Puntland

Madaxda Warbaahinta Daljir ayaa shaacisay inay ka xun yihiin baaqashada barnaamijka, taasoo ku timid in xukuumadda Puntland ay u aragtay inuu yahay mid siyaasadeed oo dano laga leeyahay, laguna joojiyey farriinta ka timid Puntland.

Ad

Maxamed Welcome oo ka mida masuuliyiinta Daljir ayaa sheegay in Barnaamijka Madasha Daljir ee caawa aanu wax lug ah ku lahayn siyaasad, isla markaana uu ka yimid feker ay iyagu lahaayeen, balse ay u hoggaansameen amarka Xukuumadda Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON