Puntland ayaa iska fogeysay warar xoog u soo baxay oo sheegayay inay taageero siiso kooxda Ahlu suna ee dagaalka kula jirta xilligan maamulka Galmudug ee ay deriska yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Puntland ay taageero siiso Ahlu sunada dagaalka ka riday Galmudug.
Wuxuu sheegay in Puntland ay taageersan tahay Maamulka Galmudug oo iskaashi iyo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo, ayna wanag iyo walaalnimo mooyee wax kale u heynin, eedeynta loo jeediyeyna ay tahay mid ka timid meelo kale.
C/ladiif Muuse Sanyare Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa caddeeyay inay Galmudug u aqoonsan yihiin maamul dhisan oo deris wanaag iyo walaalnimo kala dhaxeyso, ayna iska kaashadaan dhinac waliba.
Arrintan ayaa timid markii si weyn loo baahiyay in Puntland ay taageero milateri siineysay kooxda Ahlu Suna, iyadoo sidoo kale ay ku sugan yihiin madaxda Ahlu suna.