Saturday, May 17, 2025

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa ku soo daabushay Gaalkacyo & C/weli Gaas qabsaday 24 saacadood

Wararka laga helayo magaalada Gaalkaco ayaa sheegaya in maamul Goboleedka Puntland ay ciidamadii ugu badnaa keenay magaalada Gaalkacyo oo xiisad ka taagan tahay.

Ciidamadan  ayaa la sheegay in ay shalay iyo xalay yimaadeen magaalada iyagoo lagu soo daabulay gaadiid dagaal iyo kuwa ciidamada, waxayna wataan tiknikada dagaalka. Ciidamada soo  gaaray waqooyiga Gaalkacyo waxaa hogaaminaya taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen. Siciid Maxamed Xersi.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Puntland ayaa ku soo beegmay iyadoo uu magaalada Cadaado waanwaan nabadeed ka bilaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Ad

Gaas-ciidamo

Wakiilada Beesha Caalamk oo ka war helay ciidamada Puntland u soo dhaqaajisay Gaalkacyo ayaa xiriir toos ah la sameeyay madaxweyanaha Puntland C/weli Gaas iyagoo ka dalbaday inuu dib u celiyo ciidamadaasi.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow xafiiska UNSOM ee Muqdisho  madaxweyne Gaas ayaa qabsaday in la siiyo muddo 24 sacaadood ah oo uu xaalada ku qaboojiyo, waxaana lagu wadaa inuu maanta Ra’iisal wasaaraha gaaro Puntland.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON