Sunday, November 10, 2024

Puntland oo 10 Qodob uga jawaabtay Warkii Madaxweyne Xasan Sheekh (Qormo)

-

- Advertisement -

“Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey.

Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah.

1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC.

- Advertisement -

2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.

3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka.

4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka.

5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan.

7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.

8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.

- Advertisement -

9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo

10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.”

W/Q: Maxamed Cabdiwahaab
Wasiirka Caddaaladda Puntland

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hay’adda NISA oo soo bandhigtay Sarkaal ka mida Ciidamada oo u shaqeynayay Alshabaab iyo..

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Shabakad ka kooban labo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab,...

Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilalkii ka qaaday taliyihii Ciidamada Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka eGen. Axmed...

Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay 2-dii Oktoobar ayaa Caawa la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan Doorashada maamul...

Dowladda Somaliya oo 72 Saac u qabatay inuu Dalka uga baxo Sarkaal Itoobiyaan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku dhawaaqday go'aan ay dalka uga saartay sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho.War-saxaafadeed ka soo...

Muqdisho oo si weyn looga Diyaar garoobay soo dhoweynta Markabka Shidaalka Baara ee Turkiga

Markabka Shidaalka Baara ee Turkiga Oruç Reis ayaa Saacadaha soo socda kusoo xiranaya dekadda magaalada Muqdisho, iyadoo ay wehliyaan Maraakiibta dagaal ee Turkiga oo...

Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelatay Ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, arrintan oo ka danbeysay Balanqaadkii ololaha Madaxweynaha Soomaaliya ee wax ka bedelka...

Diyaarad Drone oo lagu duqeeyay Guriga Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda iyo Wararkii ugu danbeeyay

Diyaarad nooca Drone-ka ah oo ayaa saaka duqeysay Guriga Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee magaalada Caesarea, iyadoo Qarax weyn laga maqlay Guriga.Xafiiska...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you