Degaanada Maamul Goboleedka Puntland iyo Alshabaab ayaan maanta laga soomaneyn, iyago xalay isku mowqif ka noqday dhalashada bisha Ramadaan oo ay shaaciyeen in la waayey, maantana ay dhammeystirayan 30-ka Bisha Shacbaan.
Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa ku dhawaaqay inaysan Maanta oo Isniin ah 11-ka Maarso 2024 aysan Soon aheyn oo la waayey Bishii Ramadaan markii ay xiriir la sameeyeen culimo kala jooga deegaanada Puntland , Koonfur iyo Waqooyiga Soomaaliya .
“Waxaan ku wargalineynaa Bulshada somaliyeed, gaar ahaan Puntland in aan lahayn wax arkey dhalashda Bishii Ramadaan, Beri oo Isniin ah kuna beegan 11 March, 2024 ay tahey 30 Bisha Shacbaan, sidaas darteed Berri ma ahan Soon”Ayuu yiri Wasiirka Puntland.
Dhinaca kale Xafiiska Garsoorka Al-shabaab ayaa war uu soo saaray xalay ku dhawaaqay in Maanta oo Isniin ah la dhammeystirayo bisha Shacbaan, isla markaana kowda bisha Ramadaana ay tahay maalinta Talaadada ah.
“Kadib baaritaan dheer laga sameeyay wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa la waayay bisha Ramadaan, sidaas darteed, berri oo Isniin ah waxaa la dhamaystirayaa bisha Shacbaan 1445, kowda bisha Ramadaan waxay noqoneysaa maalinta Talaadada ah” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Al-Shabaab.
Dhinaca kale dowladda Federaalka Somaliya, maamul Goboleedyada kale iyo maamulka Somaliland ayaa maanta laga sooman yahay, kadib markii ay ku dhawaaqeen inay Ramadaan tahay. Warbaahinta dowladda Somaliya ayaa shaacisay qof jooga degmada Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose oo sheegaya inuu arkay bishii Ramadaan.
Soomaalida Kenya ayaa sidoo kale Ramadaanka looga dhawaaqay, balse waxay culimadu sheegeen inay ku soomayaan kadib markii laga sheegay Boqortooyada Sacuudiga.