Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug ayaa maanta Dil toogasho ah ku xukuntay 8 xubnood oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Dacwad ay kusoo oogtay xeer ilaalinta ciidamada Puntland ee denbiyada culus, waxaana lagu soo oogay inay qeyb ka haayeen kooxda dilalka Madax-jebiska iyo Qaraxyada ka fu lin jirtay magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda ayaa shaacisay in 8-da eedeysane lagu helay inay qeyb ka haayeen shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab, waxaana wareysiyo lala yeeshay ay sheegeen inay fuliyeen qaraxyo iyo dilal madax jebin ah.
Magacyada Dil-sugayaasha la xukumay maanta waxay kala yihiin:
1- Xasan Isaaq Maxamed Maax (29 Sano jir), ku dhashay Baydhaba, degan Gaalkacyo/Galmudug.
2- Maxamed Cali Hilowle (Istakiin), 35 sano jir ah, ku dhashay Xamar, Kawaanle ka ahaa Gaalkacyo.
3- Sadiiq Faarax Nuur Muudey (Gaagaale) 26 sano jir, ku dhashay Xamar, Kaawanle ka haa Gaalkacyo.
4- Maxamed Sharafle Maxamuud Culus ow 28 sano jir ku dhashay xamar- Deyniile, Kawaanle
5- Maxamed Cali Cabdullaahi Xuseen (Jubba) 28 sano jir, ku dhashay Jowhar – Kawale
6- C/qaadir Cabdulle Xasan, 26 sabo jir ku dhashay Xamar, Bajaajle
7- Liibaan Ciise Hilowle (Madax Kariye). 26 sano jir ku dhashay Xamar. Bajaajle/Kawanle
8- Nuur Xuseen C/qaadir Cusmaan (Madnuur) 23 sano jir ku dhashay Marka, Kawaanle
Raggan dilka lagu xukumay ayaa intooda badan ka howlgeli jiray magaalada Gaalkacyo, dhinaca Galmudug. Puntland ayaa dhowan Dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.
