Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa xaqiijiyay ehelladiisa oo sheegay in isagoo xaaladiisa ay caadi tahay uu geeriyooday, markii xaalad caafimaad darro oo degdeg ah lasoo deristay.
Waxaa geerida Marxuumka ka hadlay oo tacsi u diray Madaxda dowladda Soomaaliya, sida madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaamka iyo Ra’iisal wasaaraha. Sidoo kale waxaa tacsi u diray mas’uuliyiin iyo dadweyne badan, iyadoo tacsidiisa ay buuxisay Baraha bulshada.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, wuxuu 1945-tii ku dhashay degmada Afgooye, wuxuuna ku barbaaray degmada Buur Hakaba. Wuxuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Umadda, isagoo bartay Sharciga.
Sanadihii 1979-1985 wuxuu noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradaha Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka iyo Wasaaradii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sanadihii 1973-1979-kii wuxuu noqday agaasimaha guud iyo ku xigeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, kadib wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii Kacaanka.
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd ee Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Kadib burburkii iyo dagaaladii sokeeya wuxuu u qaxay dalka dibadiisa, wuxuuna muddo dheer ku noolaa dalka Norwey, isagoo ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada.
2009-2012: Jawaari wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee diyaarinta Dastuurka ee KMG ah, wuxuu kaloo muddo dheer la-taliye sare u ahaa Guddiyadii Dastuurka.
Sanadkii 2012-kii ayaa Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa olole ku qaaday dowladii Farmaajo, tasoo ku kalfitay inuu xilka iska casilo.
Muddooyinkii ugu danbeeyay wuxuu ahaa ka mid ahaa Guddi madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wuxuu ahaa aqoonyahan si fiican ugu hadla afafka luuqadaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.
Alaha u naxatiistee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo da’diisu tahay 79 sano jir. Wuxuu ifka uga tagay sagaal caruur ah oo kal ah 5 gabdhood iyo 4 wiil.