Wednesday, October 16, 2024

Prof. jawaari: “Maamulada Kumeelgaarka ma aha Dowlad Goboleed inta Baarlamaanku ansixinayo”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa bilaabay inuu soo saaro ammaro ku socda hay’adaha dowladda federaalka sida xukuumadda, madaxtooyada, xildhibaanada Baarlamaanka iyo weliba maamulada dalka ka jira, iyadoo markan Afhayeenku u  muuqdo inuu adeegsanayo awood is muujin ah kadib markii uu soo xoogeystay doorka hogaamiyeyaasha maamulada dalka ka jira.

Afhayeenka Baarlamaanka oo awoodiisu ku kooban tahay guddoominta shirarka baarlamaanka iyo ku dhawaaqista go’aanada Barlamaanku gaaro ayaa hadda si joogto ah uga hadla shirarka baarlamaanka iyo kuwa guddiyada Baarlamaanka halkaasoo uu u adeegsado inuu soo saaro ammaro, talo soo jeedin iyo hadallo kale oo quseeya howlaha xukuumadda federaalka iyo maamulada kale.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN

Amarkii ugu danbeeyay ee Prof. Jawaari ayuu soo saaray mar uu hadal ka jeediyay kulankii shalay ay yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo sheegay in maamulada dalka ka sameysmay ee kumeelgarka ah aan loogu yeeri karin DOWLAD GOBOLEED, wuxuuna xildhibaanada ugu baaqay inaysan ugu yeerin maamuladaasi dhismaya dowlad goboleed, “Waxay dowlad Goboleed noqon kartaa marka Baarlamaanku ansixiyo inay xubin ka noqon karaan Federaalka” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ad

Wuxuu kaloo shirkii shalay uga hadlay isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga  oo sii yaraanaya, wuxuuna guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka kula taliyay inay lacagta shilin Soomaaliga ay dowladu adeegsato laguna qoro heshiisyada dowladda galeyso.

Hore wuxuu guddoomiyaha Baarlamaanka u soo jeediyay arrimo ay ka mid yihiin:

  • In Furaha (252) ee isgaarsiinta dalka lagu soo celiyo gacanta dowladda
  • In aan baasaboor lagu tegi karin gobolada dalka sida Hargeysa

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON