Xulka Portugal ayaa markii ugu horeysay taariikhda ku guuleystay koobka EURO kadib markii ay hal Gool uga badiyeen xulka Faransiiska waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, iyadoo la isku mari waayay 90 daqiiqo ee caadiga ahayd.
Gool qurux badan oo xulka Portugal u saxiixay Eder ayaa suurageliyay in Portugal markii ugu horeysay taariikhda ay kor u qaado koobka Yurub 2016.
Bilowgii ciyaarta waxaa dhaawac soo gaaray kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo oo dhaawac ahaan looga saaray ciyaarta isagoo ilmeyanaya laakiin waxaa nasiibka Portugal uu noqday inay qaado koobka Euro 2016.
SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM