Saturday, April 19, 2025

Pakistan oo soo Bandhigtay Duuliyihii Diyaaradiisa lasoo riday & India oo Qiratay diyaarad ka maqan [Sawirro]

Milateriga Paksitan ayaa soo bandhigay duuliye India u dhashay oo diyaaradiisa saaka lagu soo riday gudaha xuduudka dalka Pakistan, iyadoo xiisadda ka dhaxeysa dalalka India iyo Pakistan ay cirka isku shareertay.

Afhayeenka dowladda India
Raveesh Kumar  ayaa goor dhoweyd xaqiijiyey inay India ka maqan tahya diyaarad nooca Mig 21 ah oo howlgal ku jirtay, wuxuuna intaas ku daray in Duuliyii diyaaradaasi la waayey, waxayna India soo saartay tallaabooyin cusub oo milateri iyadoo la xiray garoomo diyaaradood, lana yareeyay isu socodka dadka Gobolka Kashmir qeybta India iyo degaananda ku dhow.

Pakistan ayaa dhinaceeda sheegtay inaysan jirin diyaarad looga soo riday dalka India, sida ay India ku doodeyso, waxayna sheegtay inaysan dagaal dooneyn, balse ay jawaab ka bixisay gardarrada ciidamada India ee dhulkeeda ku sameeyeen shalay.

Ad

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON