Wednesday, September 18, 2024

Olole ka dhan ah Agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo bilowday kadib Qarixii Xeebta Liido

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa kusoo biiray olole ka dhan ah Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed (NISA) C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) kadib qarixii Xeebta Liido ee dadk badan lagu xasuuqay.

Ololaha lagu weerarray Taliyaha NISA waxaa markii hore bilaabay taageerayaasha Agaasimihii hore Mahad Salaad iyo qaar ka mida taageerayaasha madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse waxaa sii xoojiyey xildhibaanno si weyn u dhaliilay shaqada Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa markii la magacaabay kadib ku mashquulay waanwaanta beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe iyo mideynta Beeshiisa, wuxuuna safar ku aaday dalka imaaraadka Carabta, iyadoo markaas ay soo baxday dhaliil ah in agaasimaha cusub aanu heynin shaqadii loo igmaday.

Ad

Qaraxyadii iyo weerarradii is xigay ee Muqdisho ka dhacay sida: Weerarkii Baarka – Weerarkii Xabasiga Dhexe iyo xasuuqii ugu danbeeyay ee ka dhacay Xeebta Liido waxay soo shaac bixiyeen inuu jiro gaabis ku yimid sirdoonka iyo amniga Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON