Thursday, February 13, 2025

Ololaha Muslimiintu ku qaadacayaan Ganacsiga Farance oo sii xoogeystay iyo Erdogan oo mar kale weerarray Macron

Waxaa dunida islaamka kusii xoogeysanaya ololaha lagu mamnucuayo iibinta iyo iibsiga wax soo saarka iyo Ganacsiga dadka Faransiiska, kadib markii dalkaasi uu sii xoojiyey aflagaadeynta Rasuulka SCW, madaxweynaha dalkaasina uu taageeray, isagoo u gefaya Diinta islaamka.

Ganacsatada dalalka Kuwait, Qatar iyo Urdun ayaa joojiyay inay iibiyaan ama ay lasoo degaan alaabta lagu sameeyo dalka Farsansiiska, waxaana goobo ganacsi oo badna laga saaray alaabtii Faransiiska, taasoo ka qeylo siiday Wasaaradda Arrimaha Dibadda France.

Dalalka Kale ee Tunisia, Libya, Iiraan, Pakistan iyo dalla kale ayaa waxaa ka socda bannaanaax looga horjeedo Faransiiska iyo aflagaadada uu la daba taagan yahay Rasuulka NNKH, waxaana sii xoogeysanaya qaadacaadda Faransiiska.

Ad

Dowladda Pakistan ayaa ashtako culus u gudbisay Faransiiiska, waxayna u eyeertay safiirka France ee jooga dalkeeda. Ra’iisal wasaaraha Pakistan Omran Khan aya sheegay inaan la aqbali karin aflagaado loo geysto Rasuulka SCW, taasoo xadgudub ku ah dadka muslimiinta, ayna wax laga xumaado taay inuu hormuud u yahay Madaxweyne ay dalkiisa ku nool yihiin malaayiin muslimiin ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii saddexaad ku celiyey in madaxweynaha Faransiiska Emmaunel Macron ay tahay in la baaro haddii ay maskaxdiisa caafimaad qabto, taasoo ay ugu wacan tahay inuu hoggamaaminayo naceybka dadka islaamka ah.

Erdogan wuxuu dadkiisa ugu baaqya inaysan iibsan alaabta Faransiisku so saaro, si la mida sida Faransiiska looga diiday in la iibsado alaabta Turkiga uga timaada.

- Advertisement -

Wuxuu kaloo Madaxweynaha Turkiga eedeyn u jeediyey dalalka reer Galbeedka oo islaamka ka dhigtay denbiile, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda muslimiinta ku nool dalalka reer Yurub oo wajahaya sida uu yiri naceyb keen kara in la xasuuqo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON