Ogeysiis ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo ku saabsan gabdho loo qaadanayo Telefishanka Dowladda ayaa dood weyn iyo muran ka dhaliyey baraha bulshada isla markii uu soo baxay.
Ogeysiiska oo la sheegay inuu diyaariyey agaasimaha Wasaaradda, wasiirkuna la ogaa ayaa lagu qoray shuruudo aan hore loo arag oo ay ka mid yihiin tilmaamaha laga rabo inay yeelato gabadha loo qaadanayo shaqadan oo ay ka mid ahayd:
- Inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab Telefishan
- Inay leedahay cod Warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan
Boqolaal Soomaali ah oo isugu jira saxafiyiin hore, wasiiro iyo aqoonyahano ayaa si weyn uga falceliyey shuruudahan, waxayna su’aal ka dhalatay waxa loola jeedo ‘hubqaad’, iyadoo shuruudahan lagu tilmaamay takoor ay sameysay Wasaaradda Warfaafinta.
Waxyar kadib markii Doodda culus ee ka dhalatay Ogeysiiskan ay gaartay madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa laga saaray qodobkii ugu danbeeyay ee ‘Hub-qaadka” ka mid ahaa, taasoo timid markii cadaadis weyn oo la saaray wasaaradda.
Mar labaad ayey Wasaaradda Warfaafintu bedeshay hab qoraalkii Ogeysiiska iyadoo markan tiimbare iyo astaan wadato, waxaase mar kale lagu heystaa da’da oo ay ka dhigtay 20 ilaa 30 sano.
QAAR KA MIDA FALCELINTA
“Bismillah,Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo dhajisay 2 fursad shaqo oo gaar loogu qoondeeyay gabdhaha wariyayaasha ah.Balse shuruudaha lagu xiray ayaa fajac igu abuuray. In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!Ka sokow inuu faquuqan kasoo horjeedo mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurkeenna, wuxuu kaloo gef weyn ku yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Wasaaradda Warfaafinta waxaa la gudboon inay la noqoto iidhehdaan, maxaa yeelay waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale. Sidoo kale, waa inay raalli galin siiso gabdhaha Soomaaliyeed. Wabillahi Towfiiq” –Wasiir hore C/raxmaan Ceynte-
Ma Journalist ayaa la raadinayaa mise gabar model ah? Runtii waa arin aad u foolxun Dhaqan, diin ahaan iyo Damiir ahaanba -C/risaq Cumar Xildibaan-
Talefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa xayeysiiyay 2-shaqo oo shuruudo lagu xiray: 1: Qof dumar ah 2: Shahaaddo jaamacadeed 3: Ka yar 25 4: Dherer, misaan iyo muuqaal gaar ah leh 5: Cod iyo hub-qaad (dharxirasho) wanaagsan. ARAGTIDEYDA WAA TAKOOR MEESHII UGU SARREYSAY. -Maxamed Xaraarre- Weriye BBC-
Ninkii soo qorray ma ahan qof u baahan gabadho wariye ah, ee waa Nin ka hadlay Gabadha u rabo inuu shukaansado ama indhaha ku nuur nuursado marka ay agmareyso? -Yasmin Jamac-
Wasiir mareye waku heysata ee amba masuuliyadda dusha saaro oo warkaaga caddayso shukaansi shaqa kubedel inay meesha kasocoto,misa shaqaalahaaga kala huf oo umadda soo hor istaag!Wa Corona kale raga. -Maryan Barre Weriye VOA-
