Dood culus ayaa hareysay fadhigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii guddoonku hor keenay Mooshin wax looga bedelayo qoddobo ka mida Dastuurka KMG ah oo ku saabsan muddo xileedka Madaxweynaha iyo labada Aqal e Baarlamaanka.
Xildhibaannada sida adag uga hor yimid Muddo kororsiga waxaa ugu horeeyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo sheegay inuu sharci darro yahay mooshinka oo muddo dheer guddoonku hayay, isla markaana shaqada Dastuurka wax ka bedelka ay tahay mid u taalla Guddiyada dib eegista Dastuurka, wuxuuna ka digay in muddo kordhin lagu fekero xilligan oo golayaasha dowlada ay hal sano jiraan.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo dhinaca kale ah ergeyga Madaxweynaha ayaa Barlamaanka uga digay muddo kororsi: “Muddo kordhin wixii laga soo maray waa la ogyahay.. Nafta Madaxweynaha xilka haya ayaa halis u gashay marka yaa lagu riyoonin in xilligan muddo kororsi lagu fikiro”. ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mida xisbiga Madaxweynaha ayaa isna ka hor yimid Mooshinka muddo kororsiga, isagoo sheegay inay ka dhex muuqato daneysiga Xildhibaannada iyo rabitaan xil kororsi ah, taasina uu yahay khaladka weyn ee ku jira.
Wuxuu xildhibaan Odowaa soo jeediyay in saddexda sano ee u harsan xildhibaannada ay iimaansadaan oo aanay hal qodob oo dan ugu jirto kala bixin Dastuurka si loo bedelo.
Waxaa kaloo kulankii Baarlamaanka ka hadlay oo si adag uga hor yimid Mooshinka Muddo kororsiga xildhibaanno badan oo taageera dowladda hadda jirta, halka ay difaacayeen xildhibanno u badan Golaha Wasiirada.