Wednesday, May 21, 2025

Odayaasha Somaliland oo War Culus kasoo saaray Dilkii Marxuum C/naasir Dahable

Qaar ka mida odayaasha Dhaqanka Beelaha Somaliland ayaa baaq culus kasoo saaray magaalada Hargeysa, iyadoo ka hadlay halka uu marayo kiiska dilka Marxuun C/naasir Muuse Dahable oo bishii Febraayo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Odayaasha ayaa sheegay in dilka Marxuum C/naasir Muuse Dahable ay u heystaan Xasan Sheekh iyo NISA, ayna doonayaan cadaalad degdega laba bilood kadib markii kiiskaasi dhacay.

Waxay ku eedeeyeen dowladda hadda Xasan Sheekh inay marin habaabinayaan kiiska C/naasir Dahable, iyadoo xiray shan qof oo ahaa dadkii ehelada u ahaa Marxuumka, kuwaas oo hadda loo diiday inay ehelkooda arkaan, laguna sameeyo jirdil.

Ad

Waxay farriin culus u direen Madaxweyne Xasan Sheekh in degdeg loo sii daayo shanta qof ee reer Somaliland una xiran kiiska C/naasir oo aan la dhigin in kiiska lagu marin habaabiyo, waxayna si cad u sheegeen inay garanayaan cidda dishay C/naasir.

Booliska Soomaaliya ayaa 19 Febraayo 2024 shaaciyay in dilka marxuum C/naasir oo meydkiisa laga helay gurigiisa xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir, Gobolka Banaadir loo xiray 6 ruux oo loo heysto kiiska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON