Wednesday, February 19, 2025

Odayaasha saxiixayaasha Galmudug oo taageeray Doorashada Madaxweynaha, Baaq kululna u diray Ahlu suna.

Odayaasha saxiixayaasha beelaha Galmudug wada dhistay oo shir ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa si buuxda u taageeray doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, iyagoo baaq kululna u diray kooxda Ahlu suna.

Odayasha ayaa shirkooda kasoo saaray Warcad oo ah ku sheegeen inaan aan loo baahneyn dib u dhac kale oo ku yimaada Doorasahda Galmudug, kadib markii la doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxayna dowladda Federaalka ka codsadeen inay la shaqeyso baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Odayaasha qaarkood ayaa Ahlu suna ugu baaqay inay isbaarada ka qaado Baarlamaanka Galmudug, waxayna caddeeyeen in 20-ka xildhibaan ee la siiyey Ahlu suna ay ahaayeen sharci darro, laguna bixiyey Madax-furasho, loogana qaaday odayaasha Galmudug in lagu qanciyo Ahlu suna, laakiin haddii ay iyagii caqabad noqdeen ay diyaar u yihiin inay soo magacaabaan xildhibaanadaasi.

Ad

Odayaasha waxay kaloo ugu baaqeen murashaxiinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba in ay ka qeyb qaataan doorashada, islamarkaana ay ka fogaadaan waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada Galmudug.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON