Sunday, May 25, 2025

Odayaasha Muddulood oo War Culus kasoo saaray Ciidamo uga xiran Madaxtooyada [Dhageyso]

Odayaal dhaqameed ka tirsan Beesha Muddulood ayaa war kasoo saray ciidamo ka soo jeed beeshaasi oo dowladda Soomaaliya ay qaab beeleed ula macaamishay.

Caaqil Maxamuud Xasan Biyow oo ah afhayeenka beesha Muddulood iyo Ibraahim Maxamed Weydow afhayeenka Golaha odayaasha dhaqanka ayaa wadajir uga hadlay shilkii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka 26 July, kaasoo ciidamado goobta ku sugnaa la xirxiray, iyadoo aan wax sharci a la horkeenin.

“Wax la qaadan karo ma ahayn in arrin ciidamo ka dhex dhacdo ay Beesha Murusade Qabiil u bedesho, iyadoo ra’iisal wasaarihii kasoo jeedo.” ayuu yiri Caaqil Biyow oo sheegay inaysa beesha Muddulood wax shaqo ah ku lahayn dad iskood arrintan kala xaajooday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ad

“25 maalmood ayay ciidamadan ku xiran yihiin xabsiga madaxtooyada, waa sharci darro in la iska heysto…, 13 askari ayaa nalaga dilay cid wax u qabatay ma jirto,, xafladii ammaankeeda ay sugayeen askartan waxaa lahaa guddoomiyaha G/Banaadir” ayu yiri Ibraahin Weydow.

DHAGEYSO ODAYAASHA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON