Monday, February 10, 2025

Odayaasha Beesha H/Gidir oo Go’aan cajiib ah ka qaatay Xukuumadda cusub ee Xasan Cali Kheyre [DHAGEYSO]

Beesha Habargidir ayaa si buuxda u taageertay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mida odayaasha ugu  waaweyn beeshaasi ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan xukuumadda cusub, wuxuuna sheegay inay si buuxda u taageerayaan.

Wuxuu ku baaqay in ciddii ka hor timaada dhagaxyo lagala hortago, oo aan loo ogolaan inay carqaladeyso dowladda cusub oo u baahan in la siiyo fursad. “Waxaan idinka codsaneynaa inaan xukuumadda si buuxda oo aqlabiyad ah u taageertaan xukuumaddan, ninkii xildhibaan ah ee la arko inuu jaleeco waa in shacabku dhagaxyeeyo..” ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye.

Ad

Imaamka Beesha H/Gidir C/llaahi Khaliif Rooble ayaa isna sheegay in xukuumadda cusub howl adag u taallo ayna noqdaan kuwii kasoo baxa rajada ay shacabka ka qabaan oo abaaraha u gurmada, dadka tabaaleysanna u istaaga.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON