Odayaal Nabadoono ah ayaa ku dhintay weerarkii Alshabaab saaka ku gashay degmada Mesagowaay ee Gobolka Galgaduud, kadib dagaal gaadmo ah oo salaadii subax ka hor halkaasi ka dhacay.
Odayaasha weerarka lagu dilay ayaa kala ah: Nabadoon Cismaan Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahin Maxamed Cismaan iyo Nabadoon Cabdulle Geeljir, waxaana ku dhintay 7 qof oo kale iyo dhaawacyo intaas ka badan.
Xogta la helay weerarka ay Alshabaab ku beegsatay aya sheegeysa in maleeshiyada ay si lama filaan ah gudaha ugu gashay gudaha iyo agagaarka degmada Mesagowaay, isla markaana rasaastu ka dhex bilaabatay xerada ciidamda iyo guryaha magaalada qaarkood, waxaana qarax lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen nabaddoonada.
Laba ka mida Nabaddoonada la dilay ayaa kasoo jeeda Jufada Cali-Gaaf ee Beesha Waceysle, waxayna ku heyb yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo meydadkooda loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo aas loogu sameyn doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray odayaasha ay Alshabaab dishay, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku xusay in falka bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.